Thursday, 22 September 2011

Xusbiyada iyo doorka Haweenka
Waxaa la aas-aasay xusbiyo badan, balse, haweenku ku yaryiin maamulka xisbiyada. Si kasta ha ahaate, waxa isku soo hadhay saddex urrur oo isu badelay xisbiyo siyaasadeed. halkaas waxa ka soo baxay xildhibaano utartamay dawladaha hoose. waxaa ka mid ahaa dadka ku guulaystay laba haween ah oo ka mid noqday golaha deeganka. Waxa marlabaad loo tartamay hogaanka ugu sareeya dalka waa madaxwaynahee, inkasta oo ayna jirin xisbi ay gabadhi utaagnayd booska madaxwaynaha iyo ku xigeenka toona.



waxa jirtay in gabadh (Fosiya .H. Adan) qurbaha ka soo laabatay sheegtay in ay u taagan tahay booska madaxwaynaha si madax banana. sikastoy ahataba, arrintaas lama aqbalin xaalad sharci awgeed. waayo waxa lasheegay in ayna meela kaga soo aroorin dastuurka Somaliland wax layidhaa musharax madax banana. Arrinta kale ee ayana jirta ayaa waxa ay tahay in guud ahaan la aaminsan yahay in anay gabadhi hogaamin Karin ummad muslim ah.
Sidoo kale dad badan ayaa u arka inay ceeb ku tahay dhaqanka soomaaliyeed inay gabadhi hogaamiso qaran dhaqan sidan u xoog badan Leh. Sidoo kale, waxa loodareeray mar saddexaad doorashada xubnaha baarlamaanka. halkaas waxa u cararay xubin ka noqoshada golaha wakiillada todoba xubnood oo haween ah, kuwaas oo ay u xusheen xisbiyadu inay ka mid noqdaan shakhsiyaadka u tartamidoona ka mid noqoshada xunaha baarlamaanka, aakhirkiina waxa soo baxay laba gabdhood oo midi tartan ku timid golaha xeer dajinta.


waxa soo wajahay haweenkii u yaacay kuraasta dhibaatooyin aad u balaadhan oo isugu jira mid: dhaqan, dhaqaale, iyo khibradeed. waxa laga war hayaa xataa qaar ka mida raggii u olalaynayay in ayna arrinta daacad ka ahayn, waayo mushkulada meesha ka soo baxday waxa ay noqotay in nin iyo gabadh isku qabiil u tartamaan xilkaas markaasna, reerka badidiisi u janjeedhsanto dhinaca ninka. inta yar ee ka soo hadhayna madaxa u buuxiyaan, lajoogan gabadha si ay ayaamo isaga qayilaan, waayo waxa ay u dhabar adaygi layihiin cadaadiska kaga imanaya qoyskaas qaybihiisa kale. Haddaba inaga oo ka warhayna in haweenka siyaasadda sida tooska ah ugu lugta lihi in ay aad u tiro yar yihiin, halkaasna laga garan karo sida ay samayn ugu lahaan karaan go’aanada ka soo fula qaybaha kala duwan ee golayaasha qaranka.



Markasta waxa ay ku doodan in ay xisbiyadu siiyaan muhiimadda koobaad dumarka iyo dhalinta. sida cad ee aan kawada warhayno haweenka ku lugta leh siyaasadda xisbiyada doorka ay kaga jiraan ee loo dhigay sida muuqata waa ka qayb qaadashada isu soo baxyada, so dhawaynta iyo sii galbinta madaxda xisbiyada ayaga oo halkaa kala hortaga amba ku sii galbiya durbaano, buraanburro, iyo mashxarad. Waxa ay dumarka reer Somaliland siwayn uga qaybqaataan ololaha iyo isu soo baxyada qaran noocuudoonaba ha’ahaadee,taasna waxa marag madoon u noqon karta marksatoo ay jirto codbixini ambase isdiwaangalino safafka dhaadheer ee u adkaysanaya; milicda, dhaxanta iyo duufaanada ee dumarka u badan. Waxaan sifudud u odhan karaa dadka ugu badan ee wax doortaa waa dumarka iyo dhalinyarada, taasina waxay kuu muujinaysaa inay yihiin awoodda kaydsan ee dalka soomaaliya.
FIIRO GAARAH: qoraalkani waxa uu daba socdaa ama u ka mid yahay Maqaalka ciwaankiisu (title) yahay: Haweenka iyo Siyaasadda. Sidoo kale, waxaa iga xasuusin ah in uu maqaalku sii socon doono, oo qaybo kale u hadhsan yihiin. Haddaba la soco qaybaha ugu xaasaasisan ee soo socda, ku waas oo blogerku si qoto dheer ugu lafa guri doono.

No comments:

Post a Comment

thanks for your comment