Tuesday, 23 August 2011

Safarkii Maskaxda iyo kulankii Lama-arkaan


Safarkii Maskaxda iyo kulankii Lama-arkaan
Part one
Safar dheer oo aan cago, bog, shaaggag ama baalal mid lagu socon ayaa waxa la is weydiin karaa masaafada lajari karo. iska dhaaf qiyaasta xawaaraha socodka. Waxaaba aad u kakan in aad xawaare afka kaaga dhaco. Waxaa dadka badankoodu soo wada jaleecayaan xagaaga, qaar way ku layaaban yihiin, halka kuwa kalena ku soo dagdagayaan in ay ku saxaan. Yeelkood qaarba wax ha kugu sheegaan. waxa uu ahaa safar aan cidina igu wehelin.
Wax gaadiid ah oo la taaban karo maan adeegsan, ama ma raacin. iska daa qalab aan isticmaaloo xitaa qofna ima raaci karayn. in la’ila rafiiqo iska dhaafoo ruuxna kama warhayn ambabaxayga. wax sahay ah oo aan qaatayna ma jirin, qarashna iguma bixin, se waxaan ku qarashgareeyay waxkasta oo baxa wixii ugu qiimaha badnaa, balse, wax igaga yaraaday ma jirin iyo wax iska kaydhimay toona. Waxa uu ahaa sahan ku jahaysan badda iyo budhcadbadeedda barmaamujkaygana waxba kaga ma jirin barriga iyo amuurihiisa. Laakiin, waxa ay dad badani iisheegeen in aan ku darsado xisaabta saldhigyada budhcadbadeeddu in ay yihiin meelaha ka baxsan biyaha. sidaas awgeedna bal dib u eegis lagu sameeyo barmaamushyada noocan oo kale ah, ee sida habaqlaha ah isaga socda. 

 
Waxaa loo malaynayaa waxa safarkan keenay in ay tahay dareen xoogan kaas oo qaba in ay budhcadbadeeddu uga sii darayso xaaladda nabad galyo xumada soomaaliya ka taagan, iyo faafidda mukhaadaraadka, dhaqan xumada iyo cudurada faafa ee galmada lagu kala qaado. Waxaa dadbadi qabaan in soomaaliya wajiga saari doonto jaho cusub oo ka halis badan tii hore ugu habsatay ummadda soomaaliyeed, isuna badali doonto arlo fawdada iyo dilka shakhsiga ahi ku fidaan, sida dhabada toosan loogu soo dabaalaana adkaan doonto, hadaan si dagdag ah oo wadara wax looga qaban arrinta.
“Oo haddaa waxa aadka u qiimaha badan ee kaa baxay muxuu ahaa”? ayuu yidhi Lama-arkaan
“Waa wax ku wanaagsanaada isticmaalka badan haddii si loo adeegsado, ma’aha se, markasta ee la soco taana.” Ayaan ugu jawaabay
‘’Habeen kali ah maan dhixin.’’ Ayaan uu raaciyay
‘’Goorma ayaa socdaalkani kugu dhashay?’’ ayuu isu,aalay marlabaad Lama-arkaan
“Muu ahayn safar hore loo sii shaaciyay warna lagama hayn inta uu qaadan doono haddii uu soo dhamaadaba. waxaan u malaynayaa in uuna wakhti go’anba lahayn, oo waxaa surto gal ah in aan safar kan mid la ah, gali doono haduuna kaba dheeraan kan hore aan u galay.” Ayaan ugu jawaabay
‘’Oo xagee ayaad aadaa marka aad safarkan oo kale u socdaasho?’’su,aashan ayuu iwaydiiyay Lama-arkan aniga oo aan garan Karin xalada uu ku sugan yahay.
“Hadba waxaan socdaa halka bartil maameedka I ah waxaana I haga u jeedada socdaalka laga leeyahay. laakiin aan wax kuu sheego.” Ayaan ugu celiyay.
Aduu waligaa adoo biyaha badda ku dhex nool ma is aragtay oo la jooga budhcadbadeed haysata libaax badeed oo moodaya oday ajanabi caddaana, ma ku sastay oo ma ku qaylisay oo ma ku tidhi waar libaaxa ka yaaca.
Libaaxii ayaa waxa uu ku kalaamay luuqad aan fahmayay u jeedadeeda. Waligayna hore umaan maqal luuqadan haddana waan gartay macnaha hadalka Libaax baddeedka. Waar iska aamus ninyow nimanku ha kaa ceeshaane. ingiriiska ayay gorgortan kula jiran, si la isii daayo iyana madax furasho loo siiyo, taasi wax layaab leh maaha, oo kolay labadii duq waan u dhaamayaa. Waayo, shaqo mihiim ah  ayaan reerka u hayaa. markaas, waxaan ka faa,iidayo ayaga ayaa ka badan waxa ay dal banayaan haddii ay ogyihiin arrimuhu sida ay yihiin hal daqiiqo imay haysteen.
Laakiin, ayaga waxkale waxba ka ma galin, indheer garadna maaha, hadii aan sikale u dhigo hadalka, iska daa in ay I haystaanoo mabay iqabsadeen. Wax aliyaale waxaan qorayo dan lagama leh oo xilliyada danbe waa la isku dhex yaacaa, waxaa noo yimaadda hablo aad mooddo xuural cayntii janada waxna lama kala qarsado. iska daa wax kala qarsiyoo waxkasta waxaa loo wadaagaa sida cuntada balse, nasiib darro aniga waxba igama saarna waxaa la wadaagayay maxaa yeelay, waxba loo ma soo riixo dhinacayga, eegmo waxaan ahayna iga masoo gaadhin, cadhana uma qabo cidna ku ma colaadinaayo, oo waxa ay ahayd danbi iyo dunuub la isu xaaraantinimeeyay.



BY: KHADAR IMAN EGE  
LA SOCO QAYBAHA KALE


1 comment:

  1. runtii waa sheeko ay ka muuqato feker fog, hal abuurnimo, farshaxannimo and odoros dheer

    ReplyDelete

thanks for your comment