Friday, 9 September 2011

Haweenka iyo Siyaasadda

Haweenka iyo Siyaasadda

BY: KHADAR IMAN EGE

"Markii ugu horaysay ee la daabacay: 31/05/10


Hordac

Inkasta, oo ay adag tahay in faraha lala galo, oo loobadheedho in laga hadlo, isla markaasna lalafoguro arrin sida tan u qalafsan, oo dhinacyo badan. kuuna hogaamin karta. howl in tan ka sal balaadhan, oo ka culus, isla markaana dood balaadhan dhalin karta. oo ay isku arki karaan nooc yada kala duwan ee dadka, lana isku dhaafsan karo xogo iyo aqoon kala gadisan, taas oo siyaabo kala gadisan u soo hoori karta; sida jawi cadho leh iyo mid soo jiidasho badan, mid xigmad iyo aqooni ku duugan tahay. oo akhlaaqi ka buuxdo. markasta oo la soo hadal qaado . arrimaha haweenka, waxa ka farcama kuwo kale oo ay is weheshadaan. ku waas oo aad u tiro badan. sikastaba ha,ahaatee, Waxa aan doonayaa in aan halkan kaga hadlo, arrin aad moodid inay tahay sida lamoodayo si, aan ahayn.
Sida aynu ka war hayno tan iyo lasoo noqoshadii xoriyada. markii taariikhdu ahayd, 1960 waxa mayalka dalka uqabtay; niman siyaasiyiin ah oo ku andacoonayay in ay ummadda soomaaliyeed u horseedi doonan; maamul wanaag ka madhan qabyaalad iyo mussuqmaasuq iyo xukun caddaali ah oo saamayn balaadhan leh. Sidoo kale, waxa ayana saaxada siyaasadda cagaha lasoo galay; niman hubaysan oo aaminsan mabaadiida hanti wadaaga, oo dalka kula wareegay qoriga caaradii. Balse, markiiba uu noqday qawlkii ka soo baxay; sinaan, Cadaalad iyo horumar mid bulsho, siyaasadeed iyo mid dhaqaale.
Maamulkan ayaa waxa uu sameeyay waxa kamid ahaa in uu sheegay in laduugay qabyaaladi gabi ahaanba,
waxa uu soosaaray xeerar dartood loo xasuuqay culimo awdiin magac iyo maamuus ku dhex lahayd umadda soomaalida. xeerarkaas oo lasheegay in ay u danaynayaan haween weynaha soomaaliyeed hase’ahaatee. waxa layaabka lihi waxa weeye; markaa aad doonayso inaad sugto xuquuq qayb ka mid ah aadamaha, in loo gumaado qayb kale oo ayana ka mid ah binidaamka, inkasta, oo lasheego in labilabay barnaamijyo balaadhan oo ku wajahan haweenka iyo arrimaha bulshada guud ahaan, sida; ladagalanka gudniinka fircooniga ah iyo kor uqaaddida waxbarashada haweenka iyo dhiirigelinta suugaaanta iyo hal abuurka siyaasadda ka fog.
Waad garan kartaa, kaligii taliye (dictator) jar iska xoor ah oo aan aqoon sidaasa lahayn kuna qabsaday dalka afgambi didsanaanta iyo fiiga ka muuqan Kara markaba, taasi waxa ay sababtay gumaad umaddeed oo ku jahaysan dareenka iyo maskaxda soo jeeda ee firfircoon aqoontuna weheliso.
Urruradii haweenka ee markaas jiray waxa iska lahaa ama hogaaminayay haween gaar ah oo laysla garanayo. waxana loo samaystay waa urruradaase inlagu fuliyo dano gaara, markaana, laga dhaadhiciyo dumarka soomaaliyeed in lasugayo xuquuqdooda.
Waxyaabaha maamulkasi ku andacoonayay waxa kamid ahaa in ay siman yihiin raga iyo haweenku dhinacyada siyaasadda, maamulka, labiska, iyo dhaxalka. waxan odhan karaa; xukunkaasi waxa kaliya ee uu qulubka iyo werwerka iskaga yarayn jiray waxay ahayd heesaho macaan oo xaqiidda ka ka dheer ku waas oo lagu amaanayo kacaanka iyo madaxdiisa iyo ugu danbaytena gawraca xubnaha firfircoonida dheeraadka ah alle ku manaystay.
Haddaba, qabyaalad, sedbursi, talomaroorsi, maamul xumo, musuqmaasuq, dil, dhac, iyo nadaam ku dhisan afkaar iyo fakir aan wanaagsanayn ayaa waxa uu sabab u noqday kacdoon ummadeed, oo salbalaadhan kaas oo lagala hor yimid taliskii Maxamed Siyaad Barre ee markaas hogaaminayay golihii sare kacaanka dalka ku amartaag laynayay.
Dagaalo gaystay gumaad balaadhan, burbur dhaqaale, iyo gabi ahaan qaabdhismeedkii ay ummadi lahayd oo meesha kabaxay. waxa ay dagaaladaas ba’ani keeneen kala daadasho dalkii hore laysugu odhan jiray Jamhuuriyada Soomaaliya. colaadihii may hakan halkoodii ayay ka sii socdeen gobolkii hore loo odhan jiray waqooyi galbeed, ayaa waxa uu ku dhawaaqay gooni isu taag abada ah. Hase yeeshee, waxa halkaa ka oogmay dagaalo sokeeye, se nasiib wanaag waa loo mare helay talo dabadeed waxa arrinta si fiican uga hawlgalay oday dhaqameedyadii beelahaas. ayana waxa si fiican u ajiibay hogaamiye beeleedyadii halkaas isku haystay. Waxa halkaas ka aslaaxday nabad dadku jeclaaday isla markaasna, ku timid rabitaanka shacbiga iyo kala doorashada colaad iyo deganaansho.Waxay bulshadu u dhaqaaqday dhoobdhoobida hadhaagii burburkii qaabdhismeed kii adeega bulshada, sida dugsiyada, cusbitaalada iyo kaabayaasha dhaqaale guud ahaan.
Marka halkaa lajoogo, waxay haweenku dhexda ku xidheen marada, waxa ay lasoo baxeen awood iyo karti ku kaydsanayd oo la ogaa, balse layska indho tiro, waayo, waxa ay dumarku ka warhayaan in ay bulshadu ku dhisantahay istaageersiga iyo isku tiirsanaanta lamaanaha. waayahaas aadka umurugsan ee isdhex guuraya waxa uu fadhiga kakiciyay, una diiday inay nastaan haweenka meelkastay joogaan guud ahaan waxa ay silayaab leh uga soo dhalaleen dhisida iyo ka qayqaadashada dib udhiska gaar ahaan arrimaha bulshada, Sikastaba ha ahaatee, waxa dalka laga hirgeliyay oo ka hana qaaday habka xusbiyada badan ee dimuqraadiga ah.

FIIRO GAAR AH: MAQAAL KAN OO SII SOCON DOONA, WAXAAN SI QOTO DHEER UGUDO GALI DOONAA ; SIDA AY U DHISAN YIHIIN XUSBIYADA KA JIRA GOBOLADA WAQOOYIGA IYO DOORKA HAWEENKA EE AY KU LEEYIHIIN XUSBIYADAAS IYO GUUD AHAAN SIYAASADDA.


contact:
khadariman@hotmail.com
imankhadar@gmail.com

Thursday, 8 September 2011

Habkee ugu haboon ee kor loogu qaadi karaa ka qayb galka siyaasadda ee haween soomaaliya?.

Madaxweynaha somaliland Ahmed Mahomed Mahomud(siilanyo) ayaa waxa uu soo saaray, digreeto uu ku magacaabay guddi ka soo talo bixisa, sidii kor loogu qaadi lahaa ka qayb galka siyaasadda iyo maamulka dalka ee haweenka iyo dadka latakooro. asaga oo ka duulaaya taladii guurtida, kana shiidaal qaadanaya dastuurka. gudigaas uu magacaabay madaxweynuhu waxa ay dhan yihiin sagaal. intooda badan waxa ay kasoo jeedaan xukuumadda dalka ka talisa.

runtii waa arrin mudan oo leh culaskeeda, mihiimad gaar ahna ugu fadhida bulshada guud ahaan gaar ahaana haween waynaha soomaaliyeed, in kor loo qaado hanaanka ka qayb galka siyaasadda, go'aanka iyo maamulka, sikasta ha,ahaatee arrintani waxa ay timid ka bacdi geeddi dheer oo ay galeen ururada bulshadu, gaar ahaan kuwa dumarku, urruradani waxa ay ku jireen muddo dheer dagaal aan dhamaad lahayn oo aan kala joogsi lahayn, siday ugaadhi lahaayeen ujeedka horumarineed ee dhinackasta gaar ahaan kobcinta garaadka siyaasadeed ee bulshada iyo maamulkaba. waxa ay la kulmeen hagaar daamoyin aan tiro lahayn iyo u garaabid la,aan iyo dhaleecayno aad u culus oo dusha lagaga tuuro dadka ku  howlan arrintan.


sidaas darteed waxaa ii cuntami wayday in aan wax ba lagaga darin urrurada bulshada talo ka soo bixin ta arinka kan,  sikastay ahaataba waxaan laga fursan doonin in la soo saaro; waxa loo yaqaan quota system laakiin waxaa loo baahan doonaa in dib loo danaasadeeyo shuruucda dalka, taasina waxayna ka fursan doonin ayana in lahelo khabiiro siyaasadda iyo genderka ku xeel dheer.

haddaba  ayaamaha fooda inugu soo haya waxa aynu qaadaa dhigi doonaa; system ka siyaasadeed ee dalka soomaaliya guud ahaan, gaar ahaana kan maamul gobaleedyada, sidoo kale waxaan si qoto dheer u lafa guri doonaa; habka ugu haboon ee ku loogu qaadi karo ka qayb galka talada dalka ee haweenka ,( promotion of level of women representations in politics,), waxa ay falaqaynteenu isugu jiri doontaa maqaalo iyo comments

Sunday, 4 September 2011


Hanka dumarka iyo hagar daamooyinka ku hareeraysan
                         
                               By Gender Researcher; Khadar Iman Ege
hordhac

Tan iyo ka soo laabadkii qaxoontiyadii loo dalan doolay iyo dalal kii kala duwanaa isla markaasna kala dhaqamada gadisnaa ee habaq laha lagu galay
Waxaa si weyn isu abaabulay haween waynaha Somaliland ku waas oo samaystay ururro iyo isu tagyo kala haadaaf duwan balse hadana mabaadii isku mida xanbaarsan


Mabaadii daas oo ah sidan hoos ku xusan
·        Is kaashi haween iyo mid bulshaba guud ahaan
·        Ka qayb qaadashada dib u dhiska dalka iyo kan mushtamaca
·        Muujinta kartida iyo wax qabadka haweenka
·        Abuurida daacadnimo qoto dheer iyo heerka masuuliyadeed ee  ay leeyihiin haweenka reer Somaliland
·        Muujinta iyo soo bandhigida baahiyaha gaarka ah ee haweenka
·        Abuurida hiigsi dheer iyo ku dayasho  
·        abuurida deegaan ku haboon dumarka iyo bulshada in teeda kale             



Ururadani waxa ay had iyo jeer ku foogan yihiin horumarinta haween waynaha somaliland iyo guud ahaan bulshadan oo soo martay dhibaatooyin iyo xaalado aad uqalafsan isla xaaladahaas aan tibaaxay dumarku si layaab leh ayay ugu dhabar addaygeen guud ahaanna waxa ay isku dayeen sidii looga bixi lahaa waxay guntiga dhisha iskaga dhigeen soo af jaridii colaadihii sokeeye ee dalku ugoro galay. Waxay dumar badani garabka uriteen masuuliyado kala duwan oo ku soo baxsaday Kadib markii masuulkii qoysku ku biiray jabhadihii markaas la dagaalamaayay xukun kii kaligii taliskii axmaqa ahaa ee siyaad barre (brutal totalitarian regime of siyad bare) amba uu baxsaday, dhintay, ladilay curyaamay(dagaaladii ku naafoobay), ambaba la waayay meel uu jaan iyo cidhib dhigay balse lagu qoray in lagaw racay
Waxa aynu ka war haynaa in hooyooyin aan la soo koobi Karin tira dooda in ay ka soomeen guurkii ubadkooda dartood, sidoo kale waxa aan la iska indho tiri Karin dumar aad u badan in ay dagaaladii dhaxal siiyeen agoonnimo iyo dagaal iyo halgan dheer oo dabo dheeraaday, waxa ay udadaabo xidheen sidii ay u buuxin lahaayeen kaalmahan ku soo banaanaaday ee afka ku soo kala qaaday


Waa maxay ujeeddada ka danbaysa hanashada xilalka kala duwan ee ay u hamuunta qabaan haweenku

Inkasta oo ay jirto dood xoog badan taas oo odhanaysa waxa ay salka ku haysaa arrrintu mabaadii qoto dheer oo xanbaarsan afkaar iyo aragtiyo reer galbeed, hadana waxaa mihiim ah in arrinta loo kuur galo lana ogaado saldhigeeda iyo halka ay ka soo burqanayso iyo waliba halka ay ku dabo leedahay isla markaasna waxa ay u baahan tahay cilmibaadhis wakhti qaadata oo ay ku lug leeyihiin aqoon yahano xeel dheeri iyo waayo aragnimo fog u leh arrinkan xaasaasiga ah ee taabanaya ummada iyo waliba qayb ka mid ah ta ugu muhiimsan bulshada.


Hadaba, sidaas darted, mudo dheer waxaan ku hawlanaa in aan bal wax ka ogaado sababaha ay dumarku ugu heelan yihiin ka qayb qaadashada talada, maamulka iyo hogaanka kala duwan ee uu leeyahay dalku, inkasta oo ay tahay xaq dastuuri ah(constitutional right)  oo loo siman yahay in laga qayb qaato waxna lagu yeesho hogaaminta iyo talada dalka guud ahaan, hadana dadka qaar waxay odhan karaan dumarku si,aan toos ahayn ayay ugu lug leeyihiin talada iyo go’aan qaadashada dalka lagu hago amba lagu maamulo, marka laga reebo xubno yar oo faro ku tiris ah oo si toos ah ugu lug leh kuwaas oo ah midhadhka dumarka ah ee ku jira golayaasha kala duwan ee Qaranka mayalka u haya sida golaha baarlamaanta, guurtida iyo wasiirada iwm.
Waxa ay dumarku saluugsan yihiin nusqaan waynna u arkaan in ay ku tahay tiradan aad ka u yar ee ay ku leeyihiin golayaasha kala duwan ee wadan ay dimoqraadiyadi (democratic state) in ay ka hano qaaday sheeganaya, isla markaasna citiraaf raadis ah una daba taagan dalal iyo dad yow kala duwan oo arrintani ku dheertahay.

Waxa ay dumarku ka soo taagan yihiin erayada beer laxawsiga ah ee aan qotada dheerayn ee ay isticmaalaan siyaasiyiinta Qaranku marka ay danta ka leeyihiin (during the political campaigns).
Waxa haweenka laftooda waji gabax ku noqotay isku duubni la,aanta dumarka tiro badnaanta iyo tayo xumaanta oo kaaf iyo kala dheeri noqota marka ay timaado isu hiilin la,aanta siyaasadeed ee dumarka dhexdooda waxaa sidoo kale laf dhuun mari wayday ku noqotay haweenkii hanka lahaa  isu quudhi waaga iyo isu hanayn la,aanta guusha dumarka dhexdooda,
Waxa sidoo kale dhabar jab ku keenay habka dhaqan  dhaqaale ee dalka  oo aan saacidin.



Isku soo wada duuboo sababahan soo socda ayay dumarku ugu tafo xaydan yihiin ka qayb galka talada dalka
1.     Dumarku waxa ay isku arkaan in ay hanan karaan buuxina karaan galdaloolooyin badan oo dalka ka muuqda ku waas oo wax yaabo badani raga ka hortaagan yihiin in ay gutaan waajibaad kaas
2.     Dumarku waxa ay leeyihiin baahiyo balaadhan oo ka duwan kuwa raga, sidaas daraadeed, waxa ay ku doodayaan haweenku in ay ayagu u faro dhuudhuuban yihiin arrimahaas u gaar ka ah bulshada haween waynaha
3.     Waxa ay sidoo kale ku andacoonayaan in ay karti u leeyihiin wax ka qabashada iyo kobcinta horumarka bulshada. Waxa ay dumarku ku dacwoonayaan in ragii ku mashquulay balwado xunxun iyo is jiijiidad ay ka danbeeyaan dano gaar ah iyo amuuro siyaasadeed oo dabada kula jira qabiil iyo qabyaalad qotadeedu dheer tahay oo markasta degenaansho la,aan weyn oo dalka u horseeda.
4.     Waxa jira tiro kooban oo haween ah  ku waas oo gaadhay heer ay  ubaahdeen in ay tijaabiyaan awooda maamul iyo tahogaamiyonimo ee ay leeyihiin waxa dumarkaas dabada kawada oo ka riixaya ayaga oo isleh waxaad samaysaan amba aad noqotaan xidigihii mar dhaw dumarka iyo hablaha idinka danbeeyaa hiigsan lahaayeen  
5.     Waxa ay dumarku ka daaleen colaado, caga juglayn iyo dagaalo soo noqnoqda ku waas oo curyaamiyay kor u kaca iyo horumarka bulshada sidaas darteed waxa ay dumarku siweyn oo laxaad leh u raadinayaan siday mayalka ugu qaban lahaayeen qaranka si ay uga hortagaan dagaalada, daganaan la,aanta siyaasadeed iyo nabad galyo xumida uu ka qaylinayo aduunku guud ahaan waxa ay isleeyihiin waxa aad ka samato bixin karaysaan dalkan aynnu ku  nool nayahay
 Hadaba dumar badan oo bulshada dhexdeeda magac iyo maamuus ku               leh ayaa waxa ay u taagan yihhiin matalayaana haween waynaha somaliland waxa ku jira hami iyo han wax qabad iyo mid hogaamineed balse waxa hagar daamo iyo hadidaad weyn ku ah sida lagaga soo kabtaana adag tahay qabiilka iyo qabyaalada oo aan ayagoo kaliya halisku ahayne ah dhibaato curyaamisay dawladihii kala duwanaa ee dalka soo maray.



 waa cudur fogaaday oo ay adag tahay sida looga daawoobo waa sun iyo waabay raacday xididada iyo waayir kasta ee hayadaha kala gadisan ee qaranka akhshaasta iyo qoysaska  oo ah meesha asal keedu ka timaado balse waxa ay dumarku hal maansan yihiin in ay yihiin hoygii dhaqanka bulshada wax kastina guriga ka soo  bilaamaan waxaanan kala garanayn in ay raagsanayaan inta ubadka lagu barbaarinayo dhaqan ka fayow cuduradan aan kor ku soo xusay ee ay ka midka yiyiin tala maroorsiga iyo qabyaaladu.   Waxa ay marmarka qaarna ku tiraabaan eraydan waa dal ay ka sii gudhayso garashadu intii garaadka lahaydna lagaagixiyay waa wadan gabnay loogu dawgalay waa arlo marnaba si fiican garashadu uga godal qaadin waa wadan maskax gudhan u goro galay oo loogu dawgalay oo aad moodidba in uu garaadkii gabashiyay waa goonyo aan odhan karo marnaba si fiican ugu muuguuxin hogaan garaadsan iyo gobonimo lehi waa wadan dumarkii iyo caruurtii gama fog  loo diiday

Dhamaan wax yaaba haas aan kor ku soo tibaaxay iyo qaar kaloo badan oo aan halkan lagu soo koobi karayni waxa ay haystaan dumarka hanka leh ee Somaliland iyo guud ahaanba kuwa  soomaaliyeed ee ku dhaqan arlada waana arrimo isugu jira habka dhaqan dhaqaaale  iyo mid bulsho oo ku fadhiya dhaqan iyo caadooyin soo jireen ahaa.






Name: Khadar Iman Ege
Tell: +254703500215