Friday, 9 September 2011

Haweenka iyo Siyaasadda

Haweenka iyo Siyaasadda

BY: KHADAR IMAN EGE

"Markii ugu horaysay ee la daabacay: 31/05/10


Hordac

Inkasta, oo ay adag tahay in faraha lala galo, oo loobadheedho in laga hadlo, isla markaasna lalafoguro arrin sida tan u qalafsan, oo dhinacyo badan. kuuna hogaamin karta. howl in tan ka sal balaadhan, oo ka culus, isla markaana dood balaadhan dhalin karta. oo ay isku arki karaan nooc yada kala duwan ee dadka, lana isku dhaafsan karo xogo iyo aqoon kala gadisan, taas oo siyaabo kala gadisan u soo hoori karta; sida jawi cadho leh iyo mid soo jiidasho badan, mid xigmad iyo aqooni ku duugan tahay. oo akhlaaqi ka buuxdo. markasta oo la soo hadal qaado . arrimaha haweenka, waxa ka farcama kuwo kale oo ay is weheshadaan. ku waas oo aad u tiro badan. sikastaba ha,ahaatee, Waxa aan doonayaa in aan halkan kaga hadlo, arrin aad moodid inay tahay sida lamoodayo si, aan ahayn.
Sida aynu ka war hayno tan iyo lasoo noqoshadii xoriyada. markii taariikhdu ahayd, 1960 waxa mayalka dalka uqabtay; niman siyaasiyiin ah oo ku andacoonayay in ay ummadda soomaaliyeed u horseedi doonan; maamul wanaag ka madhan qabyaalad iyo mussuqmaasuq iyo xukun caddaali ah oo saamayn balaadhan leh. Sidoo kale, waxa ayana saaxada siyaasadda cagaha lasoo galay; niman hubaysan oo aaminsan mabaadiida hanti wadaaga, oo dalka kula wareegay qoriga caaradii. Balse, markiiba uu noqday qawlkii ka soo baxay; sinaan, Cadaalad iyo horumar mid bulsho, siyaasadeed iyo mid dhaqaale.
Maamulkan ayaa waxa uu sameeyay waxa kamid ahaa in uu sheegay in laduugay qabyaaladi gabi ahaanba,
waxa uu soosaaray xeerar dartood loo xasuuqay culimo awdiin magac iyo maamuus ku dhex lahayd umadda soomaalida. xeerarkaas oo lasheegay in ay u danaynayaan haween weynaha soomaaliyeed hase’ahaatee. waxa layaabka lihi waxa weeye; markaa aad doonayso inaad sugto xuquuq qayb ka mid ah aadamaha, in loo gumaado qayb kale oo ayana ka mid ah binidaamka, inkasta, oo lasheego in labilabay barnaamijyo balaadhan oo ku wajahan haweenka iyo arrimaha bulshada guud ahaan, sida; ladagalanka gudniinka fircooniga ah iyo kor uqaaddida waxbarashada haweenka iyo dhiirigelinta suugaaanta iyo hal abuurka siyaasadda ka fog.
Waad garan kartaa, kaligii taliye (dictator) jar iska xoor ah oo aan aqoon sidaasa lahayn kuna qabsaday dalka afgambi didsanaanta iyo fiiga ka muuqan Kara markaba, taasi waxa ay sababtay gumaad umaddeed oo ku jahaysan dareenka iyo maskaxda soo jeeda ee firfircoon aqoontuna weheliso.
Urruradii haweenka ee markaas jiray waxa iska lahaa ama hogaaminayay haween gaar ah oo laysla garanayo. waxana loo samaystay waa urruradaase inlagu fuliyo dano gaara, markaana, laga dhaadhiciyo dumarka soomaaliyeed in lasugayo xuquuqdooda.
Waxyaabaha maamulkasi ku andacoonayay waxa kamid ahaa in ay siman yihiin raga iyo haweenku dhinacyada siyaasadda, maamulka, labiska, iyo dhaxalka. waxan odhan karaa; xukunkaasi waxa kaliya ee uu qulubka iyo werwerka iskaga yarayn jiray waxay ahayd heesaho macaan oo xaqiidda ka ka dheer ku waas oo lagu amaanayo kacaanka iyo madaxdiisa iyo ugu danbaytena gawraca xubnaha firfircoonida dheeraadka ah alle ku manaystay.
Haddaba, qabyaalad, sedbursi, talomaroorsi, maamul xumo, musuqmaasuq, dil, dhac, iyo nadaam ku dhisan afkaar iyo fakir aan wanaagsanayn ayaa waxa uu sabab u noqday kacdoon ummadeed, oo salbalaadhan kaas oo lagala hor yimid taliskii Maxamed Siyaad Barre ee markaas hogaaminayay golihii sare kacaanka dalka ku amartaag laynayay.
Dagaalo gaystay gumaad balaadhan, burbur dhaqaale, iyo gabi ahaan qaabdhismeedkii ay ummadi lahayd oo meesha kabaxay. waxa ay dagaaladaas ba’ani keeneen kala daadasho dalkii hore laysugu odhan jiray Jamhuuriyada Soomaaliya. colaadihii may hakan halkoodii ayay ka sii socdeen gobolkii hore loo odhan jiray waqooyi galbeed, ayaa waxa uu ku dhawaaqay gooni isu taag abada ah. Hase yeeshee, waxa halkaa ka oogmay dagaalo sokeeye, se nasiib wanaag waa loo mare helay talo dabadeed waxa arrinta si fiican uga hawlgalay oday dhaqameedyadii beelahaas. ayana waxa si fiican u ajiibay hogaamiye beeleedyadii halkaas isku haystay. Waxa halkaas ka aslaaxday nabad dadku jeclaaday isla markaasna, ku timid rabitaanka shacbiga iyo kala doorashada colaad iyo deganaansho.Waxay bulshadu u dhaqaaqday dhoobdhoobida hadhaagii burburkii qaabdhismeed kii adeega bulshada, sida dugsiyada, cusbitaalada iyo kaabayaasha dhaqaale guud ahaan.
Marka halkaa lajoogo, waxay haweenku dhexda ku xidheen marada, waxa ay lasoo baxeen awood iyo karti ku kaydsanayd oo la ogaa, balse layska indho tiro, waayo, waxa ay dumarku ka warhayaan in ay bulshadu ku dhisantahay istaageersiga iyo isku tiirsanaanta lamaanaha. waayahaas aadka umurugsan ee isdhex guuraya waxa uu fadhiga kakiciyay, una diiday inay nastaan haweenka meelkastay joogaan guud ahaan waxa ay silayaab leh uga soo dhalaleen dhisida iyo ka qayqaadashada dib udhiska gaar ahaan arrimaha bulshada, Sikastaba ha ahaatee, waxa dalka laga hirgeliyay oo ka hana qaaday habka xusbiyada badan ee dimuqraadiga ah.

FIIRO GAAR AH: MAQAAL KAN OO SII SOCON DOONA, WAXAAN SI QOTO DHEER UGUDO GALI DOONAA ; SIDA AY U DHISAN YIHIIN XUSBIYADA KA JIRA GOBOLADA WAQOOYIGA IYO DOORKA HAWEENKA EE AY KU LEEYIHIIN XUSBIYADAAS IYO GUUD AHAAN SIYAASADDA.


contact:
khadariman@hotmail.com
imankhadar@gmail.com

No comments:

Post a Comment

thanks for your comment