Madaxweynaha somaliland Ahmed Mahomed Mahomud(siilanyo) ayaa waxa uu soo saaray, digreeto uu ku magacaabay guddi ka soo talo bixisa, sidii kor loogu qaadi lahaa ka qayb galka siyaasadda iyo maamulka dalka ee haweenka iyo dadka latakooro. asaga oo ka duulaaya taladii guurtida, kana shiidaal qaadanaya dastuurka. gudigaas uu magacaabay madaxweynuhu waxa ay dhan yihiin sagaal. intooda badan waxa ay kasoo jeedaan xukuumadda dalka ka talisa.
runtii waa arrin mudan oo leh culaskeeda, mihiimad gaar ahna ugu fadhida bulshada guud ahaan gaar ahaana haween waynaha soomaaliyeed, in kor loo qaado hanaanka ka qayb galka siyaasadda, go'aanka iyo maamulka, sikasta ha,ahaatee arrintani waxa ay timid ka bacdi geeddi dheer oo ay galeen ururada bulshadu, gaar ahaan kuwa dumarku, urruradani waxa ay ku jireen muddo dheer dagaal aan dhamaad lahayn oo aan kala joogsi lahayn, siday ugaadhi lahaayeen ujeedka horumarineed ee dhinackasta gaar ahaan kobcinta garaadka siyaasadeed ee bulshada iyo maamulkaba. waxa ay la kulmeen hagaar daamoyin aan tiro lahayn iyo u garaabid la,aan iyo dhaleecayno aad u culus oo dusha lagaga tuuro dadka ku howlan arrintan.
sidaas darteed waxaa ii cuntami wayday in aan wax ba lagaga darin urrurada bulshada talo ka soo bixin ta arinka kan, sikastay ahaataba waxaan laga fursan doonin in la soo saaro; waxa loo yaqaan quota system laakiin waxaa loo baahan doonaa in dib loo danaasadeeyo shuruucda dalka, taasina waxayna ka fursan doonin ayana in lahelo khabiiro siyaasadda iyo genderka ku xeel dheer.
haddaba ayaamaha fooda inugu soo haya waxa aynu qaadaa dhigi doonaa; system ka siyaasadeed ee dalka soomaaliya guud ahaan, gaar ahaana kan maamul gobaleedyada, sidoo kale waxaan si qoto dheer u lafa guri doonaa; habka ugu haboon ee ku loogu qaadi karo ka qayb galka talada dalka ee haweenka ,( promotion of level of women representations in politics,), waxa ay falaqaynteenu isugu jiri doontaa maqaalo iyo comments
No comments:
Post a Comment
thanks for your comment