Mid ayaan waydiiyay waxa uu ka shaqayn jiray aabihii intii burburka ka hor.
waxa uu iisheegay in uu aabihii ahaa askari darajo sare haystay.
Waxaan mar balaad su,aalay magaciisa oo saddexan iyo halkii ay oolli jireen. intaa ka bacdina si dhib yar ayaan u aqoonsaday. Waxaa dhalay nin haysan jiray muddooyinkii ugu danbeeyay darajooyin been abuur ah oo dana gaar ah laga lahaa. waxa uu intaa igu daray in odaygii dhalay naftiisii galaafteen dagaaladii sokeeye.
Waxaa naxdin weyn igu abuuray waxa ay ahayd markii uu iisheegay in uu dad badan luqunta ka jaray, ka dib markii uu dhex maray khilaaf ku saabsan saami qaybsi lacago madax furasho loo siiyay. “waxaa naga dhex dhacay dagaal qadhaadh oo socday muddo gaaban, kooxdaydii ayaa yeelatay gacanta sare, taasina waa wax ilaahay lagu mahadiyo waayo mihiimadu may ahayn waxa dhimanaya. waxa ay ahayd in lacagta aan ansixino taasna waa lagu guulaystay. Waxaan doonayaa in aan iyana kuu sheego sheeko kale oo la yaab leh.” Ayuu yidhi wiil ka mid ah budhcad badeedda oo aad u idhi cascas.
Inta aan ku soo dhawaaday ayaan idhi soo daa.
‘’Gabadhka mid ahayd hablo halkan muddo nagula noolaa ayaa noo timid maalin aad u adkayd oo xaaladdayadu kacsanayd, isla markaas ayaan u diyaar garoobaynay in aan badda ku laabano oo aan dhex heehaabaynay shan maal mood iyo lix habeen oo aan fara madhnaan kala soo noqonay.’’ Asaga oo hadalkii sii wata ayaa waxa uu raaciyay intaas.
‘’ Lacagtii aan qaar badan dhiigooda u daadiyayna waa sii gabaabsi, oo waxaan ka sii haynaa wax aad u yar. U ma muuqaal eeka sidii awal hore umana faraxsana sidii ay ahaan jirtay. waan gartay in ayna xaalad caadi ah ku sugnayn gabadhu. hase,ahaatee, waan dhaqaaqnay siigadii baabuurta ayaan indhaha kaga ridnay wax yarka ka bacdina waan ka libidhnay muuqaalkeedii, waxaana igu danbaysay ayada oo aad moodo in ay naga soo daba duulayso, oo indhihiina cirka kulaalan yihiin. sidaas ayay mar labaad ku bilaaban tahay shaqadii baddu. Waxaa naloo soo sheegay in markab weyn oo xamuul ahi ku soo eeg yahay marin cayiman oo aanu isla garanayno, laakiin nasiib darro waxa wada markabka kabtan waayo arag ah oo muddo dheer marin u ahayd halkan aanu isku timaansanay. kaaga sii darane waxa uu ka war hayaa in halkan aanu diyaar ku nahay, oo waxa uu helay digniinta aanu hayno oo kale. isla markii aanu aragnay waanu u diyaar garawnay in aanu samayno shaqadayadii. Kabtanka markabkani waxa uu noo diyaariyay waxaanu eedi doono, isla sidaadanu ugu soo dhawaanay waxa uu nugu furay biyo xawli ku socda oo awood badan. ku wayagii isku taxay waxa ay ku tawafeen waayirro danabaysan oo waxaad moodaa qalfoof geed saran.
WAXAA INOOGU XIGI DOONTA QAYNTA saddexaad oo ka mid ah qaybaha ugu xaasaasisan uguna xiisaha badan lasoco fadlan. mahadsanidiin
No comments:
Post a Comment
thanks for your comment