Tuesday, 24 January 2012

‘’Doontii kali ahayd ee aanu wadanay matoorkii ayaa khalkhalay, halkiibaana lagaga dhaqaaqay waxaa muddo lagu xarbiyayay laash yar sidii loo kala xoraysan lahaa. aniyo midkale ayaa ku soo hadhnay, mana garan karno halkay ku danbeeyeen ku waanu isku haysanay laashka. waxaan xasuustaa in aan arkaayay biyaha oo kolba dhiig cas isku rogaya. Wakhti dheer ayaanaan wax helin rag badan oo halgamaa geesiyiin ahaana halkaas ayaanu ku waynay. waliba gacmahayaga ayay ku bexeen, laakiin taas ka ma warwarno oo qofkastaba waxa looga sabab dhigo ayuu ku hoyanayaa. Laakiin, way adagtahay sida looguu laysto nimankaas la’aantood, wax kale oo aad samayn kartaa oo aan ka ahayn in aad soo jiidato dhalinyaro cusub, ku was oo hawsha idinkala qayb qaata. Laakiin, taasina waxa ay u baahan tahay farsamooyin lagu taba baraayo da’yartaas. arrinta kale ee noo raacday mushaakilaadkaas waxa ay ahayd ayada oo aan ka aag badalanay deegaankii hore ee aanu oolli jirnay nalagama soo dhawayn aaggagan cusub ee aanu saldhiga ka samaysanay.’’ intii uu ii waday sheekada, waxaan goostay in aan aado xaggaa iyo maraakiib waaweyn oo socod ku gaalaa bixinaaya badwenta halista u ah budhcadbadeedda soomaalida. waxaanan dhakada ugu baxay mid ka mid ah maraakiibtaas, daqiiqado ka bacdi markaan saaraa markabka waxaan ka war helay in ay laba nin u dayaar garoobayaan in ay laash yar goostaan. Markaan u kuur galay arrimaha laashka iyo nimankan la isku raacay in ay ka goostaan markabka, waxaan ogaaday in ay ku sii jeedaan dooni nooca dheereeya ah oo ay wataan niman budhcadbadeed ah, nuxurkuna waxa uu ahaa sidii loo tababari lahaa wiilasha yaryar ee ku soo biiraya budhcadbdeedda, hase,ahaatee waxaa laashkii yaraa si kadis ah ula kulantay dooni xawaare dheer jaraysa oo raad goobaysa wax maraakiib xamuul ah oo ka gooshaysa marinka halkaasna, waxaa lagu afduubay nimankii usocday tababarka budhcadhbeedda.

Isla markiiba waxaa loo ka xeeyay xeebaha soomaaliya mid ka mid ah laakiin wax yar ka bacdi waxaa lala soo hadlay abaan doollihii kooxdaas budhcadbadeedda haa, waxaana loogu hanjibay in la joojin doono shaqadii iyo gacmihii laga siin jiray tababarrada, jahaynta iyo tilmaamidda maraakiibta ku soo jahaysan marinada kala duwan. waxaana la isku raacay in faraha laga qaado waliba doontii soo qabsatay dib u galbiso sidaasaana la isku afgartay. sidagdag ahna waa loogu dhaqaaqay arrintii isla markii nimankii la celiyay waxaa loo sheegay in uu ku soo fool leeyahay markab sida xamuul aad u badan, sidoo kale waxa ay intaas igu dareen in ay ka caawin doonaan sidii ay markabkaas u qabsan lahaayeen farsamo ahaan, waana laga heshiiyay waxkasta oo ku saabsan qabsasha markabka iyo madax furashadaba, laakiin aad ayay u dag tahay in lagu heshiiyo sida lacagtaas loo marayn doono, sikasta ha’ahaatee, hadda waa la isku raacay waxkasta.

‘’Nimankan maraakiibta saarani madoonayaan in ay shaqadoodu madmadow gasho marnaba’’ ayuu yidhi. mid ka mid ah hogaamiyaasha kooxaha budhcadbadheedda ayaa isheegay in ay jiraan niman ma cangagiin ah oo aan wax kale fahmayn oo qaadayay talaabooyin la isla garanaayo oo xadiddan tahay fekerkoodu oo ku kooban yahay shaqadan mushaharka yar ay ka qaataan oo ku u gaadhsanaaya marka ay indhaha kaa qaadaan. ‘’Laakiin ogow nimakani iskama kayo aaminin ee waxbaa jira taas ku darso meesha’’. Ayuu ii raaciyay sarkaalku.
‘’Markan side buu ahaa ninkan iwaramayaa’’? ‘’ taasi maaha mihiim ee aniga waxaan raadinayaa waa xog taasina igama madnoocayso in aan ku xariiqo qalinka buugga .’’
Marmarka qaar ayuu wax u dhaw ii holanayaa si uu jawaab culus uga bixiyo sirta fakatay, markaasaan ana si dhib yar uga damiyaa nalka shaydaanku u daaray oo aan idhaahdaa sideed noqotay salicalaa iska naar shaydaan. markaasaan haddana xasuusiyaa sheeko qalbigiisa xanxan taysa oo xasuus dheer ku reebtay oo hore uu igu qadimay.

Maaha qiso cid lala wadaagi karo adiga oo quman. qudhiisa waxba kama qaldanaayn markii uu I qulaaminaayay qisadan qirada miidhan ah, waxaanu qirsan yahay in ay tahay lagama sheekeeyaan mana qarin maro, waxaanad arkaysaa in uu sinool u dhex tagaayo duni kale oo aynaan arkayn marka uu kuu wado sheekadaas, wajigiisana qumaati kuu ma siinkaro inta uu ku dhex jiro dhacdadan layaabka leh.
Hase,ahaatee anuu maan qoslin tan iyo markii uu iisheegay qisadaas. qoslina maayo illaa aan arko ama aan maqlo lidkeeda.

Sidii ladoono iyo wixii la doonaba halagu maqlo ama halagu arko, laakiin anuu ma jecli in ay cidi ku soo biirto xaaladaas oo ay maqasho waxa aan maqlay. mana ihi xaasid wax la neceb walaalihii, balse, waxaan u arkaa haddii aad maqli lahaydeen sheekadan in qaar badan oo indinka midi miyir doorsoomi lahaayeen. Laakiin, ma hubo waxa indinku dhici lahaa ee taana ku darso. Waxa ay kuu sheegayaan nimankan budhcadbadeedda ahi in maalinkasta hablo horlihi ku soo biiraan qaarkalena daaqadaha laga tuuro, waxa ay kuleeyihiin waxaa caadi noono qotay in ay noo timaado gabadh ilmayar laalaadsanaysa deedna sidhib yar isaga tidhaahda hebel mahaysaan asagaan u dhalay ilmahan yare ama uur ayaan u leeyahay hadhawna si dhib yar ayaad u dafiraysaa oo ayaba si fudud ayay isaga tidhi hadalka. Laakiin, taas cawaandiyiinta ayaa badanaa fasha, hase,ahaatee, haydalaska inta lagu qoslo ayaa layidhaa waar inanta si wanaagsan ulahadal, oo macneheedu marmarka qaar noqdo yara kaxee oo wax faraha ugu laab sideed tahay maanad wax fahmayn waa reer magaale.

Qaarna raga lagulama dhici karo in si sahal ah inta shir loogu yimaaddo lagu yidhaa waxbaan kuu leeyahay oo waxba kuma aha in uu fooda ka toogto. inkasta oo suurto gal waxkastaa ka yihiin agtayada. haddana arrimaha sidaas isuguma sii waynayno, oo qofkasta waxa uu isku dayaa in uu is ilowsiiyo falalka laga yaabo in uu maalinkasta ku kacayo. laakiin, dadku isku mid maaha qaarbaaba durba waali bilaabaya oo haatan faraha iskula hadlaya waxaanan sisahlan u odhan karaa nin jilaceecu hore ayuu ka hadhaa waligii. Waxaan waydiiyay waxa ay ku xaliyaan marka xaaladan oo kale soo waajahdo.
“Maraynta arrintuna way noo dhib yar tahay. oo waa in la isdabaraaciyaa waayo laguma jiro xaaladdii la is dhiibi lahaa. markaas sowtaasi kama dhigna nin isdhiibay ayada oo dagaal qadhaadh lagu jiro loona dhaw yahay guushii markaa waa in aad dhabarka kala eegataa si,aan qaar kalena u bilaabin haddii kale ooda ayaa lagoosanayaa. Aniga laftayda ayaa Lama-arkaan isu,aalay si’kadis ah. ‘’Ma waxaad doonaysaa in aad budhcadbadeed noqoto, si baad u soo xayd xaydantee’’. ‘’xaasha maya taasi waa iga xaaraan.’’ Ayuu ku jawaabay.
Waayo waxaad moodaa waxa laquudanaayo dhimbiilo dab ah oo bilaa danbas ah oo sidooda lagu liqliqaayo gaasna laga daba cabaayo oo ma jirto xaalad aad ku tilmaami lahayd nolosha lagu sugan yahay afar iyo labaatanka saacaddood waxaa lagu jiraa jab iyo halaag aan dhamaad lahayn. Baarlamaanka naftayda ayaa go,aansaday in aan aado aaggag kale oo kooxo budhcadbadeed ahi ay fadhiyeen bal si aan u soo kor meero waxa ay ku sugan yihiin iyo waxa hadda gacanta ugu jira. kooxdan waxa ay gacanta ku hayaan nin saan cadaale ah oo iska dhigaayay markii la qabtay dalxiise soo aaday goboladan lagu qafaashay, balse, xaqiiqdu waxa ay tahay waa nin qoraa ah oo muddo dheer cilmi baadhis ku hayay badda iyo budhcadbadeedda cilmi raadintiina u lasoo gashay budhcadbadeed soomaali ah si uu u dhamaystiro buug qabyo ka ah, sidoo kale waxa uu heshiisyo la soo galay shirkado oo ka qayb ah mashruuciisan

Fiiro gaar ah: Sheekadani maaha qiso dhab ah oo dhacday, balse, waa malo awaal suurto gal ah oo dhici kara ama dhacday , sidaas darteed waxaa lala socod siinayaa akhristayaasha in ay la socdaan waxkasta oo ismatalaad ah in ay si ka ma ah u dhacday. Qoraaguna ma booqan goobaha uu sheegay, mana aha waraysi dhab ah hadalada dhex maraaya dadka uu ku til maamayo budhcadbadeedda qoraagu.


Qoraaga Sheekada: Khadar Iman Ege
Emails: imankhadar@gmail.com or Khan_iman@live.com or khadariman@hotmail.com

No comments:

Post a Comment

thanks for your comment