this blog focus on gender and sexual diversity in terms of politics, economics, education and socio-cultural perspectives for society, in which women and any cross-cutting issue will be discussed in order to analyse problematic matters by processing the way of finding solutions for targeting specific issue at one time, by reviewing books, newspapers, magazines, and videos related with gender concern any valuable aspect.
Friday, 10 August 2012
AWLIYADII FASHILANTAY
Gabbalka madoobaaday waxaad mooddaa in uu ka mubdi badan yahay fiidadkii hore.dadka badankiisu ma dhaadana hadoodil la,aanta cirka iyo wakhti madoobaha qaddinka ah; Labada waddo ee soo gala Tuuladan dameeralay waa laba ka mid ah wadii qooyinka naarta. Dadka lama yaqaan qofna sida uu ahaan jiray ka hor deegaankan.ninkastaa waxa uu galaa carabta laakiin lama oga goorta uu galo iyo sida uu wax ula wadaago. Tobanka bisadood ee madmadoowba kuma fila haddii la qalo waxa ay xoolo haystaan.Qondhacada tawafisay kabahooda waa nabaadka kali ah ee ka soo baxa tuuladan xilli roobaadka.Dargadda dhinaca dunsan ee jiingaduhu ku xeeran yihiin waxa ay dagal u tahay oo ka duula; daanyeerada dulmiga ee iska dhiga in ay daadihiyaan danta tuuladan aan qeexnayn.
Qadhmuunka; sufuurta; Aleelada iyo kuusha daadsan waxaad moodaa in ay ku dagaalameen dhowr mad-habood.Qofkasta oo gala dargaddaas buuqa badan waxa ku dhaca habeenka ugu horaysa sas iyo anfariir daran, dhaarna wuu ka maraa in uuna kulaaban doonin haddii uu sidaas ku fayoobaado; haddana loogama taag helo qof foodiisa galiyay Aqalka Qamar.qurux, nadaam iyo udgoon wax loogu xishana male.
Heshiiska kali ah ee ka dhaxeeya Ragga iyo Dumarka tuuladaas waa: Aakhira danteedee wixii dagan hadaynina. malaha roobka iyo arsaaqda ilaahay waxay ku helaan fadliga makhluuqa kale ee aan dadka ahayn iyo dhowrsanaanta reer hayaan; guriga Hayaan waa goobta kali ah ee ay u ciirsadaan masaakiinta iyo safartaduba. ‘’Waa laan gaab cuqdad iyo ciriq dhaamiyay waligaana arki maysid isagoo inta uu dadkaas soo dhex galay lafihiisa u raaxaysanaya’’ ayay isku celceliyaan qaar badan oo ku hoobtay Godka Abeesada haragga weyni dhex kuududdo.
Lama qiyaasi karo tirada dadka ah ee ku nool tuulada dameeralay ee u nisbeesa xidhxidhnaanta Hayaan iyo xubnaha kale ee qoyskiisa cuqdadda laangaabnaantu wadato oo iska caadi ka ah dadka noocaas oo kala ah.
lama garan karo amminta lagu riyooday tirada laamaha reeraha. ku barbaarinta ubadka isla weynaanta madhan iyo yasiddada dadka kale waxa ay u horseedi kartaa ilmaha waddo aad u halis badan oo ay adag tahay sida looga leexiyaa ilaa ay ku goblamaan kumannaan waalidiin. Malaha waa sababta hayaanka iyo haajiraadda joogtada ah ku beertay Hayaan wakhtiga xaasaasiga ah ee dabku ka holcaayo arlada.
Kadib dagaallo lagu gumaaday reerkoodii hayaan waxa ay u noqotay tuuladan dameeralay meesha kali ah uu ku nasan karo.Buul cowska yar ee kaga beegan tuulada cedceedka soo baxa waa iftiinka kali ah ee ka bidhaama guud ahaan magaalada rabashka badan.Riyaha yar ee dhogorta cawlani waxa ay dirqi kaga soo doogeen abaar xun oo daba dheeraatay.Labada dhaqayada alaalaxday ahi waxa ay samirsiiyaan mujada yar ee bukaantu wadato.
Habeenka kali ah haddii si wanaagsan looga gam’I lahaa culayska iyo warwarku wuu ka dagi lahaa Hayaan. Middiishii dhiiga dhex qaadaysay waxaa kaga daran xusuusta tobankii mooryaan afdulaaqii dhusha madoobaa ee hogaaminaayay boggii uu kasaarnaa rays oo shan iyo toban jir ah laba sanno ka hore. Taasi ugama duwana Rays in ay kufsadeen rooxaan lagu doontay godkeedii, had iyo jeer, habeen iyo dharaar galiilyada iyo dubaaxinta jidhkeeda waxa ugu wacan maddiishii sida naxariis la'aanta ah loogu walaaqaayay jidhkeeda nugulka ah.
Haddii aad rabto in aad Sheekadan oo dhamaystiran bogaagga ama dagal kusoo daabacdo fadlan la soo xidhiidh tixraaca hoos ku qoran:
Qoraaga: Khadar Iman Ege
Email:khadariman@hotmail.com
:imankhadar@gma
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment
thanks for your comment