Friday, 19 October 2012

Qaybtii 2 Aad sheekadii: Awliyadii Fashilantay

Galmada: xiqdiga, xoogga iyo aar goosiga ku dhisani waxa ay gawracday rajadii gabadha dharabka loogu magacdaray waliba waxa ay gayaysiisay dhalaan dambi laawa ah oo ku talogalka aadamaha ifkan ku iman lahayna ab iyo isir cid uu lawadaago. Waxaa s oo dhan waxa uga siidaran; tan iyo markii shilkaas foosha xumi dhacay daqiiqad kali ah ma awooddo in ay sifiican hurdada uga bogato. Lahaanshaha u adkaysiga waayaha qalafsan maaha mid uu kaga helo qiimayn qoomkan tuban qiyaamaha qaddinka ah ee aad mooddo in ay ka quusteen allihii uumay. yeelkood, qiyaamahood dhac ma jiro wax qiimi ah oo ay leeyihiin kuwaasiye, waxaa culays weyn ku haya socotada iyo habqanka iska soo daba dhacaya sacadkasta. Wadooyinka labada ah ee soo gala tuulada ka sakow cida dameeraha ku naaxay cayada ayaa ah baaqa iyo lalabaha loo soo raaco tuuladan. Inta badan ateenooyinka noocaas ah waxa ay is arkaan bikaaca jinku lamaanaha aadamaha, caawana waxba iskama baddalin dhaqankaas. Mayaqaan hayaan abla ablaynta haybta ay u kala baxdo socotada ka soo dul dhacaysa habeen iyo maalin ee waxaa sal iyo baar u ah bidhaanta, iyo aragtida baahanaha aan baryo taga waxba dhaamin. Ammaan iyo dhaliil taad doonto ka dhig. ma yaqaanno haybta daanyeeradii daaligay cadkii gabadhiisa. Siday kula tahay suurto galnimada garasho la,aanta quruun qaribtay qasnadii qalbigaaga? Arsaaqdiisu waa maxay, muxuu quudan jiray wiilku? Bal jalleec qiyaamaha immisaa qof imandoona? Waa qolama geesiga qiyaamuhu? Muxuu soo qalqalay talow? ‘’ha iwaalin anigee halagaadho maalintaas markaasaad nagu wareerisaa waxaan laba gaadhin’’ Waa tay yidhaahdeen: waa kastaaba waayihiisa leh. Waayahaagu kugu raran bal aan eegno subaxaas saaka ah dameeralay sida ay isu dhigto xaaladdeedu. Talow ma safar ka bilaa sahayda ah ayaa faraha ka bixi doona, mise islaantii fallalowga ahayd ayaa geeriyoon doonta. Waar may taasi iska galbato aan dargaddaas xun ku gurguurtee. gabgab geeridaaba dhacday kud iyo kaakac haka dillaaco hadduu doono, maxaa kaaga gubanaaya goblankaas guri caska kanbadhuudha ayaad waligaaba ahayde. Kadab kaa go. kob cagaar leh ka muu soo durdurin waligii kadaloob xume. Luunkii cuna gowracay, iyo diiftii korkiisa ku shaqlanayd habeen saddexaad markii uu soo gaadhay guriga aan dhaqanka ka lahayn tuulada dameeralay, way ku sii daba yar yihiin oo saakaba wajigiisa waxaad mooddaa in ay dhab yihiin wixii uu u sheegtay tuuladan. Qalbigaaga waxaa ku soo dhacaysa muu iska joogi talow tuuladan madow nal ha u noqdee. Markalena waxaad is odhanaysaa muu hore idiin dhaafo xaymaha wayda ah oo dhan bil kali ah ayuu kaga soo bixi doonaaye yay cuqubo iyo caydhi isu kiin raacine. Mar saddexaadna waxaad dhahaysaa muxuu wax u waydiisan waayay ilaahay inta uu iska dhaafo dhibta masaakiinta bahalaha u goro gashay. Haddii aad in yar indhahaaga ku aaddiso ku wiisa waxaad arkaysaa shan iyo toban kun oo qoomiyadood oo qaxaya. Haddii aad dhagtaada ku dhawayso laabtiisa waxaad garan kartaa inuu afar iyo labaatanka saacadood wadnihiisu ku mashquulsan yahay falal arxan darro ah, halkaasna ka dhacayaan: boob, dil, iyo kufsi lagu hayo shucuurta qaxaysa. Laabtiisu qaad weynaa ma qiyaamihiibaa? Waligiiba jab iyo halaag waxaan ahayn kuma riyoodo lamana arki waayin balse tii xalay ma muuqato ifafaalaheedii. waxaa la soo gaadhay salaaddii makhrib ee habeenkii labaad. Dhaxanta ku garaacaysa ardaaga yar ee saliga casaaday u yaallo waxaa kaga daran karaamo guurka ku dhacay. Barkulan lagu tukado waa looga dhaartay tuulada waana wax iska yar inta fooddeeda dhulka u quudhaa. Waayo muruudka magaalada salaaddiisu waa dabadda wixii ku daba faylaana waa duleedka. markaas ayaa arki kara dadaalka noocaas ah. Arrinkuna waxa uu ka dhigan yahay dayran iyo isma daarno haddii kale adaa is daadshay, aduunka kuuma daynin danbigana adaa iska leh dunuubtaydu waa dushaada. Malaha sababtaas ayuu Hayaanna galabta ugu dabo faylay dalays. Haddana waaxaa layaabka weyn ku dhaliyay codka dallacan iyo is fahmi waaga suuradaha gaagaaban iyo ducooyinka dahsoon ee leh summadda iyo astaanta gaarka ah.

No comments:

Post a Comment

thanks for your comment