this blog focus on gender and sexual diversity in terms of politics, economics, education and socio-cultural perspectives for society, in which women and any cross-cutting issue will be discussed in order to analyse problematic matters by processing the way of finding solutions for targeting specific issue at one time, by reviewing books, newspapers, magazines, and videos related with gender concern any valuable aspect.
Friday, 19 October 2012
Qaybtii 2 Aad sheekadii: Awliyadii Fashilantay
Galmada: xiqdiga, xoogga iyo aar goosiga ku dhisani waxa ay gawracday rajadii gabadha dharabka loogu magacdaray waliba waxa ay gayaysiisay dhalaan dambi laawa ah oo ku talogalka aadamaha ifkan ku iman lahayna ab iyo isir cid uu lawadaago. Waxaa s oo dhan waxa uga siidaran; tan iyo markii shilkaas foosha xumi dhacay daqiiqad kali ah ma awooddo in ay sifiican hurdada uga bogato.
Lahaanshaha u adkaysiga waayaha qalafsan maaha mid uu kaga helo qiimayn qoomkan tuban qiyaamaha qaddinka ah ee aad mooddo in ay ka quusteen allihii uumay. yeelkood, qiyaamahood dhac ma jiro wax qiimi ah oo ay leeyihiin kuwaasiye, waxaa culays weyn ku haya socotada iyo habqanka iska soo daba dhacaya sacadkasta.
Wadooyinka labada ah ee soo gala tuulada ka sakow cida dameeraha ku naaxay cayada ayaa ah baaqa iyo lalabaha loo soo raaco tuuladan.
Inta badan ateenooyinka noocaas ah waxa ay is arkaan bikaaca jinku lamaanaha aadamaha, caawana waxba iskama baddalin dhaqankaas.
Mayaqaan hayaan abla ablaynta haybta ay u kala baxdo socotada ka soo dul dhacaysa habeen iyo maalin ee waxaa sal iyo baar u ah bidhaanta, iyo aragtida baahanaha aan baryo taga waxba dhaamin.
Ammaan iyo dhaliil taad doonto ka dhig. ma yaqaanno haybta daanyeeradii daaligay cadkii gabadhiisa.
Siday kula tahay suurto galnimada garasho la,aanta quruun qaribtay qasnadii qalbigaaga?
Arsaaqdiisu waa maxay, muxuu quudan jiray wiilku?
Bal jalleec qiyaamaha immisaa qof imandoona?
Waa qolama geesiga qiyaamuhu?
Muxuu soo qalqalay talow?
‘’ha iwaalin anigee halagaadho maalintaas markaasaad nagu wareerisaa waxaan laba gaadhin’’
Waa tay yidhaahdeen: waa kastaaba waayihiisa leh. Waayahaagu kugu raran bal aan eegno subaxaas saaka ah dameeralay sida ay isu dhigto xaaladdeedu. Talow ma safar ka bilaa sahayda ah ayaa faraha ka bixi doona, mise islaantii fallalowga ahayd ayaa geeriyoon doonta. Waar may taasi iska galbato aan dargaddaas xun ku gurguurtee. gabgab geeridaaba dhacday kud iyo kaakac haka dillaaco hadduu doono, maxaa kaaga gubanaaya goblankaas guri caska kanbadhuudha ayaad waligaaba ahayde. Kadab kaa go. kob cagaar leh ka muu soo durdurin waligii kadaloob xume.
Luunkii cuna gowracay, iyo diiftii korkiisa ku shaqlanayd habeen saddexaad markii uu soo gaadhay guriga aan dhaqanka ka lahayn tuulada dameeralay, way ku sii daba yar yihiin oo saakaba wajigiisa waxaad mooddaa in ay dhab yihiin wixii uu u sheegtay tuuladan. Qalbigaaga waxaa ku soo dhacaysa muu iska joogi talow tuuladan madow nal ha u noqdee. Markalena waxaad is odhanaysaa muu hore idiin dhaafo xaymaha wayda ah oo dhan bil kali ah ayuu kaga soo bixi doonaaye yay cuqubo iyo caydhi isu kiin raacine.
Mar saddexaadna waxaad dhahaysaa muxuu wax u waydiisan waayay ilaahay inta uu iska dhaafo dhibta masaakiinta bahalaha u goro gashay.
Haddii aad in yar indhahaaga ku aaddiso ku wiisa waxaad arkaysaa shan iyo toban kun oo qoomiyadood oo qaxaya.
Haddii aad dhagtaada ku dhawayso laabtiisa waxaad garan kartaa inuu afar iyo labaatanka saacadood wadnihiisu ku mashquulsan yahay falal arxan darro ah, halkaasna ka dhacayaan: boob, dil, iyo kufsi lagu hayo shucuurta qaxaysa. Laabtiisu qaad weynaa ma qiyaamihiibaa?
Waligiiba jab iyo halaag waxaan ahayn kuma riyoodo lamana arki waayin balse tii xalay ma muuqato ifafaalaheedii. waxaa la soo gaadhay salaaddii makhrib ee habeenkii labaad. Dhaxanta ku garaacaysa ardaaga yar ee saliga casaaday u yaallo waxaa kaga daran karaamo guurka ku dhacay.
Barkulan lagu tukado waa looga dhaartay tuulada waana wax iska yar inta fooddeeda dhulka u quudhaa.
Waayo muruudka magaalada salaaddiisu waa dabadda wixii ku daba faylaana waa duleedka. markaas ayaa arki kara dadaalka noocaas ah. Arrinkuna waxa uu ka dhigan yahay dayran iyo isma daarno haddii kale adaa is daadshay, aduunka kuuma daynin danbigana adaa iska leh dunuubtaydu waa dushaada.
Malaha sababtaas ayuu Hayaanna galabta ugu dabo faylay dalays. Haddana waaxaa layaabka weyn ku dhaliyay codka dallacan iyo is fahmi waaga suuradaha gaagaaban iyo ducooyinka dahsoon ee leh summadda iyo astaanta gaarka ah.
Friday, 10 August 2012
AWLIYADII FASHILANTAY
Gabbalka madoobaaday waxaad mooddaa in uu ka mubdi badan yahay fiidadkii hore.dadka badankiisu ma dhaadana hadoodil la,aanta cirka iyo wakhti madoobaha qaddinka ah; Labada waddo ee soo gala Tuuladan dameeralay waa laba ka mid ah wadii qooyinka naarta. Dadka lama yaqaan qofna sida uu ahaan jiray ka hor deegaankan.ninkastaa waxa uu galaa carabta laakiin lama oga goorta uu galo iyo sida uu wax ula wadaago. Tobanka bisadood ee madmadoowba kuma fila haddii la qalo waxa ay xoolo haystaan.Qondhacada tawafisay kabahooda waa nabaadka kali ah ee ka soo baxa tuuladan xilli roobaadka.Dargadda dhinaca dunsan ee jiingaduhu ku xeeran yihiin waxa ay dagal u tahay oo ka duula; daanyeerada dulmiga ee iska dhiga in ay daadihiyaan danta tuuladan aan qeexnayn.
Qadhmuunka; sufuurta; Aleelada iyo kuusha daadsan waxaad moodaa in ay ku dagaalameen dhowr mad-habood.Qofkasta oo gala dargaddaas buuqa badan waxa ku dhaca habeenka ugu horaysa sas iyo anfariir daran, dhaarna wuu ka maraa in uuna kulaaban doonin haddii uu sidaas ku fayoobaado; haddana loogama taag helo qof foodiisa galiyay Aqalka Qamar.qurux, nadaam iyo udgoon wax loogu xishana male.
Heshiiska kali ah ee ka dhaxeeya Ragga iyo Dumarka tuuladaas waa: Aakhira danteedee wixii dagan hadaynina. malaha roobka iyo arsaaqda ilaahay waxay ku helaan fadliga makhluuqa kale ee aan dadka ahayn iyo dhowrsanaanta reer hayaan; guriga Hayaan waa goobta kali ah ee ay u ciirsadaan masaakiinta iyo safartaduba. ‘’Waa laan gaab cuqdad iyo ciriq dhaamiyay waligaana arki maysid isagoo inta uu dadkaas soo dhex galay lafihiisa u raaxaysanaya’’ ayay isku celceliyaan qaar badan oo ku hoobtay Godka Abeesada haragga weyni dhex kuududdo.
Lama qiyaasi karo tirada dadka ah ee ku nool tuulada dameeralay ee u nisbeesa xidhxidhnaanta Hayaan iyo xubnaha kale ee qoyskiisa cuqdadda laangaabnaantu wadato oo iska caadi ka ah dadka noocaas oo kala ah.
lama garan karo amminta lagu riyooday tirada laamaha reeraha. ku barbaarinta ubadka isla weynaanta madhan iyo yasiddada dadka kale waxa ay u horseedi kartaa ilmaha waddo aad u halis badan oo ay adag tahay sida looga leexiyaa ilaa ay ku goblamaan kumannaan waalidiin. Malaha waa sababta hayaanka iyo haajiraadda joogtada ah ku beertay Hayaan wakhtiga xaasaasiga ah ee dabku ka holcaayo arlada.
Kadib dagaallo lagu gumaaday reerkoodii hayaan waxa ay u noqotay tuuladan dameeralay meesha kali ah uu ku nasan karo.Buul cowska yar ee kaga beegan tuulada cedceedka soo baxa waa iftiinka kali ah ee ka bidhaama guud ahaan magaalada rabashka badan.Riyaha yar ee dhogorta cawlani waxa ay dirqi kaga soo doogeen abaar xun oo daba dheeraatay.Labada dhaqayada alaalaxday ahi waxa ay samirsiiyaan mujada yar ee bukaantu wadato.
Habeenka kali ah haddii si wanaagsan looga gam’I lahaa culayska iyo warwarku wuu ka dagi lahaa Hayaan. Middiishii dhiiga dhex qaadaysay waxaa kaga daran xusuusta tobankii mooryaan afdulaaqii dhusha madoobaa ee hogaaminaayay boggii uu kasaarnaa rays oo shan iyo toban jir ah laba sanno ka hore. Taasi ugama duwana Rays in ay kufsadeen rooxaan lagu doontay godkeedii, had iyo jeer, habeen iyo dharaar galiilyada iyo dubaaxinta jidhkeeda waxa ugu wacan maddiishii sida naxariis la'aanta ah loogu walaaqaayay jidhkeeda nugulka ah.
Haddii aad rabto in aad Sheekadan oo dhamaystiran bogaagga ama dagal kusoo daabacdo fadlan la soo xidhiidh tixraaca hoos ku qoran:
Qoraaga: Khadar Iman Ege
Email:khadariman@hotmail.com
:imankhadar@gma
Tuesday, 24 January 2012
‘’Doontii kali ahayd ee aanu wadanay matoorkii ayaa khalkhalay, halkiibaana lagaga dhaqaaqay waxaa muddo lagu xarbiyayay laash yar sidii loo kala xoraysan lahaa. aniyo midkale ayaa ku soo hadhnay, mana garan karno halkay ku danbeeyeen ku waanu isku haysanay laashka. waxaan xasuustaa in aan arkaayay biyaha oo kolba dhiig cas isku rogaya. Wakhti dheer ayaanaan wax helin rag badan oo halgamaa geesiyiin ahaana halkaas ayaanu ku waynay. waliba gacmahayaga ayay ku bexeen, laakiin taas ka ma warwarno oo qofkastaba waxa looga sabab dhigo ayuu ku hoyanayaa. Laakiin, way adagtahay sida looguu laysto nimankaas la’aantood, wax kale oo aad samayn kartaa oo aan ka ahayn in aad soo jiidato dhalinyaro cusub, ku was oo hawsha idinkala qayb qaata. Laakiin, taasina waxa ay u baahan tahay farsamooyin lagu taba baraayo da’yartaas. arrinta kale ee noo raacday mushaakilaadkaas waxa ay ahayd ayada oo aan ka aag badalanay deegaankii hore ee aanu oolli jirnay nalagama soo dhawayn aaggagan cusub ee aanu saldhiga ka samaysanay.’’ intii uu ii waday sheekada, waxaan goostay in aan aado xaggaa iyo maraakiib waaweyn oo socod ku gaalaa bixinaaya badwenta halista u ah budhcadbadeedda soomaalida. waxaanan dhakada ugu baxay mid ka mid ah maraakiibtaas, daqiiqado ka bacdi markaan saaraa markabka waxaan ka war helay in ay laba nin u dayaar garoobayaan in ay laash yar goostaan. Markaan u kuur galay arrimaha laashka iyo nimankan la isku raacay in ay ka goostaan markabka, waxaan ogaaday in ay ku sii jeedaan dooni nooca dheereeya ah oo ay wataan niman budhcadbadeed ah, nuxurkuna waxa uu ahaa sidii loo tababari lahaa wiilasha yaryar ee ku soo biiraya budhcadbdeedda, hase,ahaatee waxaa laashkii yaraa si kadis ah ula kulantay dooni xawaare dheer jaraysa oo raad goobaysa wax maraakiib xamuul ah oo ka gooshaysa marinka halkaasna, waxaa lagu afduubay nimankii usocday tababarka budhcadhbeedda.
Isla markiiba waxaa loo ka xeeyay xeebaha soomaaliya mid ka mid ah laakiin wax yar ka bacdi waxaa lala soo hadlay abaan doollihii kooxdaas budhcadbadeedda haa, waxaana loogu hanjibay in la joojin doono shaqadii iyo gacmihii laga siin jiray tababarrada, jahaynta iyo tilmaamidda maraakiibta ku soo jahaysan marinada kala duwan. waxaana la isku raacay in faraha laga qaado waliba doontii soo qabsatay dib u galbiso sidaasaana la isku afgartay. sidagdag ahna waa loogu dhaqaaqay arrintii isla markii nimankii la celiyay waxaa loo sheegay in uu ku soo fool leeyahay markab sida xamuul aad u badan, sidoo kale waxa ay intaas igu dareen in ay ka caawin doonaan sidii ay markabkaas u qabsan lahaayeen farsamo ahaan, waana laga heshiiyay waxkasta oo ku saabsan qabsasha markabka iyo madax furashadaba, laakiin aad ayay u dag tahay in lagu heshiiyo sida lacagtaas loo marayn doono, sikasta ha’ahaatee, hadda waa la isku raacay waxkasta.
‘’Nimankan maraakiibta saarani madoonayaan in ay shaqadoodu madmadow gasho marnaba’’ ayuu yidhi. mid ka mid ah hogaamiyaasha kooxaha budhcadbadheedda ayaa isheegay in ay jiraan niman ma cangagiin ah oo aan wax kale fahmayn oo qaadayay talaabooyin la isla garanaayo oo xadiddan tahay fekerkoodu oo ku kooban yahay shaqadan mushaharka yar ay ka qaataan oo ku u gaadhsanaaya marka ay indhaha kaa qaadaan. ‘’Laakiin ogow nimakani iskama kayo aaminin ee waxbaa jira taas ku darso meesha’’. Ayuu ii raaciyay sarkaalku.
‘’Markan side buu ahaa ninkan iwaramayaa’’? ‘’ taasi maaha mihiim ee aniga waxaan raadinayaa waa xog taasina igama madnoocayso in aan ku xariiqo qalinka buugga .’’
Marmarka qaar ayuu wax u dhaw ii holanayaa si uu jawaab culus uga bixiyo sirta fakatay, markaasaan ana si dhib yar uga damiyaa nalka shaydaanku u daaray oo aan idhaahdaa sideed noqotay salicalaa iska naar shaydaan. markaasaan haddana xasuusiyaa sheeko qalbigiisa xanxan taysa oo xasuus dheer ku reebtay oo hore uu igu qadimay.
Maaha qiso cid lala wadaagi karo adiga oo quman. qudhiisa waxba kama qaldanaayn markii uu I qulaaminaayay qisadan qirada miidhan ah, waxaanu qirsan yahay in ay tahay lagama sheekeeyaan mana qarin maro, waxaanad arkaysaa in uu sinool u dhex tagaayo duni kale oo aynaan arkayn marka uu kuu wado sheekadaas, wajigiisana qumaati kuu ma siinkaro inta uu ku dhex jiro dhacdadan layaabka leh.
Hase,ahaatee anuu maan qoslin tan iyo markii uu iisheegay qisadaas. qoslina maayo illaa aan arko ama aan maqlo lidkeeda.
Sidii ladoono iyo wixii la doonaba halagu maqlo ama halagu arko, laakiin anuu ma jecli in ay cidi ku soo biirto xaaladaas oo ay maqasho waxa aan maqlay. mana ihi xaasid wax la neceb walaalihii, balse, waxaan u arkaa haddii aad maqli lahaydeen sheekadan in qaar badan oo indinka midi miyir doorsoomi lahaayeen. Laakiin, ma hubo waxa indinku dhici lahaa ee taana ku darso. Waxa ay kuu sheegayaan nimankan budhcadbadeedda ahi in maalinkasta hablo horlihi ku soo biiraan qaarkalena daaqadaha laga tuuro, waxa ay kuleeyihiin waxaa caadi noono qotay in ay noo timaado gabadh ilmayar laalaadsanaysa deedna sidhib yar isaga tidhaahda hebel mahaysaan asagaan u dhalay ilmahan yare ama uur ayaan u leeyahay hadhawna si dhib yar ayaad u dafiraysaa oo ayaba si fudud ayay isaga tidhi hadalka. Laakiin, taas cawaandiyiinta ayaa badanaa fasha, hase,ahaatee, haydalaska inta lagu qoslo ayaa layidhaa waar inanta si wanaagsan ulahadal, oo macneheedu marmarka qaar noqdo yara kaxee oo wax faraha ugu laab sideed tahay maanad wax fahmayn waa reer magaale.
Qaarna raga lagulama dhici karo in si sahal ah inta shir loogu yimaaddo lagu yidhaa waxbaan kuu leeyahay oo waxba kuma aha in uu fooda ka toogto. inkasta oo suurto gal waxkastaa ka yihiin agtayada. haddana arrimaha sidaas isuguma sii waynayno, oo qofkasta waxa uu isku dayaa in uu is ilowsiiyo falalka laga yaabo in uu maalinkasta ku kacayo. laakiin, dadku isku mid maaha qaarbaaba durba waali bilaabaya oo haatan faraha iskula hadlaya waxaanan sisahlan u odhan karaa nin jilaceecu hore ayuu ka hadhaa waligii. Waxaan waydiiyay waxa ay ku xaliyaan marka xaaladan oo kale soo waajahdo.
“Maraynta arrintuna way noo dhib yar tahay. oo waa in la isdabaraaciyaa waayo laguma jiro xaaladdii la is dhiibi lahaa. markaas sowtaasi kama dhigna nin isdhiibay ayada oo dagaal qadhaadh lagu jiro loona dhaw yahay guushii markaa waa in aad dhabarka kala eegataa si,aan qaar kalena u bilaabin haddii kale ooda ayaa lagoosanayaa. Aniga laftayda ayaa Lama-arkaan isu,aalay si’kadis ah. ‘’Ma waxaad doonaysaa in aad budhcadbadeed noqoto, si baad u soo xayd xaydantee’’. ‘’xaasha maya taasi waa iga xaaraan.’’ Ayuu ku jawaabay.
Waayo waxaad moodaa waxa laquudanaayo dhimbiilo dab ah oo bilaa danbas ah oo sidooda lagu liqliqaayo gaasna laga daba cabaayo oo ma jirto xaalad aad ku tilmaami lahayd nolosha lagu sugan yahay afar iyo labaatanka saacaddood waxaa lagu jiraa jab iyo halaag aan dhamaad lahayn. Baarlamaanka naftayda ayaa go,aansaday in aan aado aaggag kale oo kooxo budhcadbadeed ahi ay fadhiyeen bal si aan u soo kor meero waxa ay ku sugan yihiin iyo waxa hadda gacanta ugu jira. kooxdan waxa ay gacanta ku hayaan nin saan cadaale ah oo iska dhigaayay markii la qabtay dalxiise soo aaday goboladan lagu qafaashay, balse, xaqiiqdu waxa ay tahay waa nin qoraa ah oo muddo dheer cilmi baadhis ku hayay badda iyo budhcadbadeedda cilmi raadintiina u lasoo gashay budhcadbadeed soomaali ah si uu u dhamaystiro buug qabyo ka ah, sidoo kale waxa uu heshiisyo la soo galay shirkado oo ka qayb ah mashruuciisan
Fiiro gaar ah: Sheekadani maaha qiso dhab ah oo dhacday, balse, waa malo awaal suurto gal ah oo dhici kara ama dhacday , sidaas darteed waxaa lala socod siinayaa akhristayaasha in ay la socdaan waxkasta oo ismatalaad ah in ay si ka ma ah u dhacday. Qoraaguna ma booqan goobaha uu sheegay, mana aha waraysi dhab ah hadalada dhex maraaya dadka uu ku til maamayo budhcadbadeedda qoraagu.
Qoraaga Sheekada: Khadar Iman Ege
Emails: imankhadar@gmail.com or Khan_iman@live.com or khadariman@hotmail.com

Qaybtii labaad ee Sheekadii: Safarkii Maskaxda iyo Kulankii Lama-arkaan
Mid ayaan waydiiyay waxa uu ka shaqayn jiray aabihii intii burburka ka hor.
waxa uu iisheegay in uu aabihii ahaa askari darajo sare haystay.
Waxaan mar balaad su,aalay magaciisa oo saddexan iyo halkii ay oolli jireen. intaa ka bacdina si dhib yar ayaan u aqoonsaday. Waxaa dhalay nin haysan jiray muddooyinkii ugu danbeeyay darajooyin been abuur ah oo dana gaar ah laga lahaa. waxa uu intaa igu daray in odaygii dhalay naftiisii galaafteen dagaaladii sokeeye.
Waxaa naxdin weyn igu abuuray waxa ay ahayd markii uu iisheegay in uu dad badan luqunta ka jaray, ka dib markii uu dhex maray khilaaf ku saabsan saami qaybsi lacago madax furasho loo siiyay. “waxaa naga dhex dhacay dagaal qadhaadh oo socday muddo gaaban, kooxdaydii ayaa yeelatay gacanta sare, taasina waa wax ilaahay lagu mahadiyo waayo mihiimadu may ahayn waxa dhimanaya. waxa ay ahayd in lacagta aan ansixino taasna waa lagu guulaystay. Waxaan doonayaa in aan iyana kuu sheego sheeko kale oo la yaab leh.” Ayuu yidhi wiil ka mid ah budhcad badeedda oo aad u idhi cascas.
Inta aan ku soo dhawaaday ayaan idhi soo daa.
‘’Gabadhka mid ahayd hablo halkan muddo nagula noolaa ayaa noo timid maalin aad u adkayd oo xaaladdayadu kacsanayd, isla markaas ayaan u diyaar garoobaynay in aan badda ku laabano oo aan dhex heehaabaynay shan maal mood iyo lix habeen oo aan fara madhnaan kala soo noqonay.’’ Asaga oo hadalkii sii wata ayaa waxa uu raaciyay intaas.
‘’ Lacagtii aan qaar badan dhiigooda u daadiyayna waa sii gabaabsi, oo waxaan ka sii haynaa wax aad u yar. U ma muuqaal eeka sidii awal hore umana faraxsana sidii ay ahaan jirtay. waan gartay in ayna xaalad caadi ah ku sugnayn gabadhu. hase,ahaatee, waan dhaqaaqnay siigadii baabuurta ayaan indhaha kaga ridnay wax yarka ka bacdina waan ka libidhnay muuqaalkeedii, waxaana igu danbaysay ayada oo aad moodo in ay naga soo daba duulayso, oo indhihiina cirka kulaalan yihiin. sidaas ayay mar labaad ku bilaaban tahay shaqadii baddu. Waxaa naloo soo sheegay in markab weyn oo xamuul ahi ku soo eeg yahay marin cayiman oo aanu isla garanayno, laakiin nasiib darro waxa wada markabka kabtan waayo arag ah oo muddo dheer marin u ahayd halkan aanu isku timaansanay. kaaga sii darane waxa uu ka war hayaa in halkan aanu diyaar ku nahay, oo waxa uu helay digniinta aanu hayno oo kale. isla markii aanu aragnay waanu u diyaar garawnay in aanu samayno shaqadayadii. Kabtanka markabkani waxa uu noo diyaariyay waxaanu eedi doono, isla sidaadanu ugu soo dhawaanay waxa uu nugu furay biyo xawli ku socda oo awood badan. ku wayagii isku taxay waxa ay ku tawafeen waayirro danabaysan oo waxaad moodaa qalfoof geed saran.
WAXAA INOOGU XIGI DOONTA QAYNTA saddexaad oo ka mid ah qaybaha ugu xaasaasisan uguna xiisaha badan lasoco fadlan. mahadsanidiin

Subscribe to:
Posts (Atom)